HomeWarar(WARBIXIN DEGDEG AH):- Alshabaab oo sheegay inay dileen 25 Sarkaal oo...

(WARBIXIN DEGDEG AH):- Alshabaab oo sheegay inay dileen 25 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Afhayeenka dhinaca Hawlgalladda ee Xarakadda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay 25 Sarkaal oo  ka tirsan Boliska Kenya ku dileen Tuulladda Yumbis oo  dhinaca Waqooyi kaga toosan Degmadda Garissa ee W/bari ee dalka Kenya. Afhayeenka ayaa maanta sheegay inay 20 Sarkaal dileen, kadib, markii ay Dagaalyahannadda Alshabaab xalay jidka u galeen Kolonyo gaadiid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka dhinaca Hawlgalladda ee Xarakadda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay 25 Sarkaal oo  ka tirsan Boliska Kenya ku dileen Tuulladda Yumbis oo  dhinaca Waqooyi kaga toosan Degmadda Garissa ee W/bari ee dalka Kenya.

Afhayeenka ayaa maanta sheegay inay 20 Sarkaal dileen, kadib, markii ay Dagaalyahannadda Alshabaab xalay jidka u galeen Kolonyo gaadiid oo ay Saraakiishaasi la socdeen oo marayey Tuulladda Yumbis oo 70-Km dhinaca Waqooyi kaga toosan Degmadda Garissa.

- Advertisement -

“Waxaan qaadanay hubkooda oo dhan. Waxaa jira inay qaar ka mid ah Askarta Kenya ka baxsadeen weerarkaasi jidgalka” ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray inay gubeen shan gaari oo ay Boliska Kenya leeyihiin.

Dhinaca kale, Afhayeenka dhinaca Hawlgalladda ee Xarakadda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab waxa uu tilmaamay inay warax miino ku dileen  Afar Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya.

Weriyaha Telefishinka Aljazeera ee dalka Kenya, Mohamed Addow ayaa sheegay inay Boliska Garissa u xaqiijiyeen in 20 Sarkaal oo Kenyaati ah lagu diley weerarka ay Dagaalyahanandda Alshabaab fuliyeen.

- Advertisement -

©Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts