HomeWararTahriibayaal Somali oo ku geeriyootay, kuwana laga badbaadiyey Xeebaha Masar

Tahriibayaal Somali oo ku geeriyootay, kuwana laga badbaadiyey Xeebaha Masar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar ayaa sheegay inay soo saareen maydadka shan qof oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo la  socday dooni ku qalibantay Xeebta Degmadda Kafaral-sheekh ee Waqooyiga dalka Masar. Dadka ku geeriyooday shilkaasi ayaa la ssheegay inay ku jireen dhowr Somali ah, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Tahriibayaal la socotay dooni ku sii jeeday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar ayaa sheegay inay soo saareen maydadka shan qof oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo la  socday dooni ku qalibantay Xeebta Degmadda Kafaral-sheekh ee Waqooyiga dalka Masar.

Dadka ku geeriyooday shilkaasi ayaa la ssheegay inay ku jireen dhowr Somali ah, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Tahriibayaal la socotay dooni ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.

- Advertisement -

Wargeyska Yoom Sabca ayaa qoray inay dadka deggan Deegaanka Burulluus ayaa arkeen maydad ku soo caariyey Xeebta, kadibna ay u yeereen Boliska iyo Ilaaladda Xeebaha.

Maydadkaasi ayaa la sheegay in loo gudbiyey Isbitaalka Dhexe ee Balateem.

Dhinaca kale, Boliska waxay xireen 20 qof oo la rumeysan yahay inay ka badbaadeen doonida qalibantay, waxayna Boliska bilaabeen inay raadiyaan Mukhalasiintii ka dambeysay shilkaasi.

- Advertisement -

Bilowgii bishan, 31 Tahriibayaal ah ayaa lagu xiray Xeebta Degmadda Bexayra oo ku dhow Badda Mediterraneanka, kadib, markii ay la qalibantay doonidii ay la socdeen.

Tahriibayaal u kala dhashay Somali, Sudan iyo Masar ayaa had iyo jeer ka tahriiba Xeebaha Masar, si ay u gaaraan Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Dowladda Masar ayaa diyaarinayso Sharci looga hortagayo Tahriibka iyo Tahriibayaasha, iyadoo qof kasta oo lagu qabto Tahriibka uu muteysan odono xabsi u dhexeeya 10 ilaa 20-sanno oo xabsi ah.

©Warqabadka Dalsan Media

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts