HomeWararTahriibayaal ay Somali ku jireen oo maanta ku geeriyooday dooni ku degtay...

Tahriibayaal ay Somali ku jireen oo maanta ku geeriyooday dooni ku degtay Badda dalka Giriigga

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ugu yaraan saddex qof oo ay Somali ku jireen ayaa maanta ku geeriyooday dooni ay la socdeen in ka badan 80-qof oo ku degtay Jesiiradda Rohodes ee dalka Giriigga. Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa sheegay in uu ilmo yar ka mid ahaa dadkii ku haftay Badda. Doonida waday Tahriibayaasha oo ka soo ambabaxday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan saddex qof oo ay Somali ku jireen ayaa maanta ku geeriyooday dooni ay la socdeen in ka badan 80-qof oo ku degtay Jesiiradda Rohodes ee dalka Giriigga.

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa sheegay in uu ilmo yar ka mid ahaa dadkii ku haftay Badda.

- Advertisement -

Doonida waday Tahriibayaasha oo ka soo ambabaxday Xeebaha dalka Turkiga  ayaa la sheegay inay herdisay Jamal ama dhagax ku dhex yaalla Jesiiradda Ajen.

Afhayeen u hadlay Boliska Giriigga ayaa sheegay in la badbaadiyey 57 Tahriibayaal, iyadoo 23 kalena la dhigay Isbitaal ku yaalla Jesiiradda Rohodes.

Afhayeenka waxa uu sheegay inay suurtogal tahay inay sii korodho tiradda dhimashadda, maadama ay Biyaha Jesiiradda qabow dartiisa u barafoobeen.

- Advertisement -

Tobankii maalmood ee la soo dhaafay,  in ka badan 700 Tahriibayaal ka soo shiraacday Xeebaha dalka Turkiga ayaa gaaray Jesiiraddaha  Ajen  iyo Lesboos ee dalka Giriigga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts