Madaxaweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa lala beegsaday Qaramada Midoobay ee Garowe
Aqaba 20 Abriil 2015 – Madaxweynaha Jamhruriyadda Federeealka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka maanta lagu qaaday shaqaalaha Qarammada Midooday ee magaalada Garowe.
- Advertisement -
Madaxweynuhu wuxuu yiri “weerarka lala beegsaday Qarammada Midoobay mid lagu qaaday dadka iyo dalka Soomaaliya, gaar ahaanna ubadka Soomaaliyeed maaddaama shaqaalaha la weeraray uu xilkoodu ahaa waxbaridda carruurta Soomaaliyeedâ€.
Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadka maanta lagu
dilay qaraxa Garowe. Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-moon iyo Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Madaxda dalalka ay u dhasheen Shaqaalaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee weerarka lagu dilay. Wuxuuna u sheegay in aan ummadda Soomaaliyeed illoobi doonin waxqabadka iyo taageerada Qaramada Midoobay iyo shakhsiyaadka naftooda u huray.
Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday baaritaan deg deg ah in ay ciidammada Amnigu ku sameyn doonaan sida ay wax u dheceen, isla markaana Qaramada Midoobay ay Dowladdu la wadaagi doonto xogta, ayada oo isla markaasna gacna furan lagu soo dhoweynayo haddii ay Qaramada Midoobay ay ka qeyb qaadaneyso baaritaanka.
- Advertisement -
Madaxweynuhu wuxuu ku boorriyay Dowlad Goboleedka Puntland iyo gaar
ahaan ciidanka Amnigu in ay sii xoojiyaan feejignaantooda isla markaana aanay u dabcin argaggixisada oo hadda ku soo haray degaanno kooban, laguna daba jiro.
Dhammaad.