HomeWararMadaxweynaha oo ka hadlay weerarka Garowe

Madaxweynaha oo ka hadlay weerarka Garowe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxaweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa lala beegsaday Qaramada Midoobay ee Garowe Aqaba 20 Abriil 2015 – Madaxweynaha Jamhruriyadda Federeealka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka maanta lagu qaaday shaqaalaha Qarammada Midooday ee magaalada Garowe. Madaxweynuhu wuxuu yiri “weerarka lala beegsaday Qarammada Midoobay mid lagu qaaday dadka iyo […]

- Advertisement -
header 2

- Advertisement -

Madaxaweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa lala beegsaday Qaramada Midoobay ee Garowe

Aqaba 20 Abriil 2015 – Madaxweynaha Jamhruriyadda Federeealka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka maanta lagu qaaday shaqaalaha Qarammada Midooday ee magaalada Garowe.

- Advertisement -

Madaxweynuhu wuxuu yiri “weerarka lala beegsaday Qarammada Midoobay mid lagu qaaday dadka iyo dalka Soomaaliya, gaar ahaanna ubadka Soomaaliyeed maaddaama shaqaalaha la weeraray uu xilkoodu ahaa waxbaridda carruurta Soomaaliyeed”.

Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadka maanta lagu
dilay qaraxa Garowe. Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-moon iyo Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Madaxda dalalka ay u dhasheen Shaqaalaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ee weerarka lagu dilay. Wuxuuna u sheegay in aan ummadda Soomaaliyeed illoobi doonin waxqabadka iyo taageerada Qaramada Midoobay iyo shakhsiyaadka naftooda u huray.

Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday baaritaan deg deg ah in ay ciidammada Amnigu ku sameyn doonaan sida ay wax u dheceen, isla markaana Qaramada Midoobay ay Dowladdu la wadaagi doonto xogta, ayada oo isla markaasna gacna furan lagu soo dhoweynayo haddii ay Qaramada Midoobay ay ka qeyb qaadaneyso baaritaanka.

- Advertisement -

Madaxweynuhu wuxuu ku boorriyay Dowlad Goboleedka Puntland iyo gaar
ahaan ciidanka Amnigu in ay sii xoojiyaan feejignaantooda isla markaana aanay u dabcin argaggixisada oo hadda ku soo haray degaanno kooban, laguna daba jiro.

Dhammaad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts