HomeWararBoliska Kenya oo xiray Sheekh caan ah oo lagu tuhunsan yihiin inuu...

Boliska Kenya oo xiray Sheekh caan ah oo lagu tuhunsan yihiin inuu maalgeliyey weerarkii Alshabaab ee Jamaacadda Garissa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciiddanka Boliska Kenya ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa sheegay inay Maxkamadda u xalaalaysay inay muddo 30 malamood ah sii hayaan Sheekh Hassan Mahad Omar oo ay ku tuhunsan yihiin inuu maalgeliyey Weerarkii ay Dagaalamaayaasha Xarakadda Alshabaab bishan April 2-dii ku qaadeen Jamaacadda Garissa. Laguna dilay 148-qof, Sheekh Hassan Mahad Omar oo maalintii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciiddanka Boliska Kenya ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa sheegay inay Maxkamadda u xalaalaysay inay muddo 30 malamood ah sii hayaan Sheekh Hassan Mahad Omar oo ay ku tuhunsan yihiin inuu maalgeliyey Weerarkii ay Dagaalamaayaasha Xarakadda Alshabaab bishan April 2-dii ku qaadeen Jamaacadda Garissa. Laguna dilay 148-qof,

Sheekh Hassan Mahad Omar oo maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay lagu qbatay magaalladda Nairobi ayey Boliska tilmaameen inuu xiriir dhow la leeyahay Taliyaha Xarakadda Alshabaab ee Goballadda Jubbooyinka, Sheekh Maxamed Kuno oo lagu naanayso Gacma-dheere ama Dulyadayn.

- Advertisement -

Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa ayaa qoray in Sheekh Hassan Mahad Omar ay Boliska bishan April 17-dii ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Eastleigh (Islii).

Boliska waxay kaloo bishan April 19-dii soo xireen Ali Hassan Guure, inkastoo uusan weli ka soo muuqanin Guddiga baaritaanka ku haya Liiska 85-ka qof ee lala xiriirinayo inay maalgeliyaan Alshabaab.

Dacwad-oogayaashaKenya waxay maanta  ka hor sheegeen Maxkamadda  inay Sheekh Hassan Mahad Omar iyo Ali Hassan Guure inay taageeraan Xag-jirnimadda.

- Advertisement -

Dhinaca kae, Maxkamadda waxay amartay in Ali Hassan Guure lagu sii hayo  Xabsiga Kamiti  tan iyo bisha soo socota ee May 20-da.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts