HomeWararKenya oo ka digtay Weeraro Alshabaab geystaan Munaasabadda Dabaaldegga sannadka cusub.

Kenya oo ka digtay Weeraro Alshabaab geystaan Munaasabadda Dabaaldegga sannadka cusub.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Taliyaha Guud ee Boliska dalkaasi, Joseph Boinnet ayaa sheegay in dadka Kenyaanka la geeliyey Feejignan Sare, iyadoo laga cabsi qabo inay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab soo qaadaan Weeraro ay ku soo beegan muddada ay socdaan Dabaal-degga Kirismaska iyo sannadka cusub. Joseph Boinnet ayaa sheegay inay heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo muujinya Qorshaha Dagaalamayaasha Alshabaab ee ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Boliska dalkaasi, Joseph Boinnet ayaa sheegay in dadka Kenyaanka la geeliyey Feejignan Sare, iyadoo laga cabsi qabo inay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab soo qaadaan Weeraro ay ku soo beegan muddada ay socdaan Dabaal-degga Kirismaska iyo sannadka cusub.

Joseph Boinnet ayaa sheegay inay heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo muujinya Qorshaha Dagaalamayaasha Alshabaab ee ay ku geysan doonaan silsilado weeraro ah muddada lgu jiro dabaaldegaasi, wa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi inay cabsida weeraradaasi yihiin kuwo xaqiiqo ah, loona baahan yahay inay Hay’addaha Ammaanka adkeeyan sugidda nabadgeliyada ee goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, gaar ahaan Xeebaha, Baararka, goobaha lagu caweeyo iyo Kaniisadaha.

Dhinaca kale, Xiriiriyaha Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, Nelson Marwa oo la hadlay Wargeyska The Star ayaa hubaal uga dhigay Dalxiisayaasha iyo Kenynka inay u soo safri karaan Goblka Xeebta, lana adkeeyey Ammaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab waxay horey wacad ugu mareen inaysan joojin doonin Hawlgalladda Weerar ee ay k geystaan gudaha Kenya, tan iyo inta ay Askart Kenya ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya waxay cabsida ugu weyn ka qabaan Xarakadda Alshabaab, waxyna ku guul-darysteen inay ka hortagaan Hawlgalladda ay Xarakadda ka geystaan gudaha Kenya.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts