HomeWararMadaxweynaha dalka Burundi oo sheegay inuu gudbinayo dacwad ka dhan ah ...

Madaxweynaha dalka Burundi oo sheegay inuu gudbinayo dacwad ka dhan ah mushaaraadka aan la bixinin ee Hawlgalka AMISOM.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweyne Pierre Nkuruziza ayaa sheegay iny Dowladiisa furayso Dacwadha Garsoorka ee ku aadan Mushaaraad aan la siinin in ka bdan 5,000 oo Askari oo Burundian ah, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM. “Danaha Burundi marnaba lama afduuban karo, isla markaana ay sheeganayaan Xaqa ka maqan, oo ay ku jirto Mgdhow” ayuu yiri Madaxweynaha Burundi. […]

- Advertisement -

Madaxweyne Pierre Nkuruziza ayaa sheegay iny Dowladiisa furayso Dacwadha Garsoorka ee ku aadan Mushaaraad aan la siinin in ka bdan 5,000 oo Askari oo Burundian ah, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.

“Danaha Burundi marnaba lama afduuban karo, isla markaana ay sheeganayaan Xaqa ka maqan, oo ay ku jirto Mgdhow” ayuu yiri Madaxweynaha Burundi.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Dowladiisa doonaynin inay Ciiddankooda noqdaan kuwo Keebka la yurura.

Hadalkiisa ayaa baxay iyadoo aysan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM wax mushaaraad ah helin muddo 11-bilood, oo ka imaan jirtey Taageeradda Midowga Europe (EU)-da siiyaan Hawlgalka AMISOM.

Bishii March ee sannadkan, EU-da waxay hakiyeen Kaalmadii Tooska ee ay u siin jireeen dalka Burundi, oo ay ku jiraan Kharajka Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Dowladaha EU-da waxay sheegeen inaysan Dowladda Burundi wax badan ka qabanin Xiisadaha Siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan ku-dhawaadka 2-sanno.

Dhinaca kale, Midowga Europe, waxay bishii hore ku dhawaaqeen inay Kharajka si toos ah ugu shubi doonaan Xisaab-bangiyeedka Askarta Burundi ee qeybta ka ah AMISOM, balse, Dowladda Burundi ayaa gaashaanka ku dhufatay arrintaasi, kuna tilmaamtay Afgembi lagu burburinayo Ciiddanka Burundi.

©Radio Dalsan

Latest stories