HomeWararSomali Maraykan ku biiri lahaa Daacish oo la xukumay iyo kuwo kale...

Somali Maraykan ku biiri lahaa Daacish oo la xukumay iyo kuwo kale oo maanta la soo maxkamadaynayo.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka waxaa shalay la soo taagay Dhallinyaro Somali-Maraykan oo ka mid ahaa 9 Eedeysane oo maalmahan la xukumayey. Eedeysanaha Koowaad, Hanad Mustafe Muuse oo 21 jir ah ayaa shalay lagu xukumay xabsi 10-sanno ah, kadib, markii uu qirtay inuu ku biiri lahaa kooxda Daacish. La-eedeysanaha 2-aad oo lagu magacaabo Xamza […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka waxaa shalay la soo taagay Dhallinyaro Somali-Maraykan oo ka mid ahaa 9 Eedeysane oo maalmahan la xukumayey.

Eedeysanaha Koowaad, Hanad Mustafe Muuse oo 21 jir ah ayaa shalay lagu xukumay xabsi 10-sanno ah, kadib, markii uu qirtay inuu ku biiri lahaa kooxda Daacish.

- Advertisement -

La-eedeysanaha 2-aad oo lagu magacaabo Xamza Axmed ayaa lagu xukumay xabsi 15-sanno ah.

Labada Eedeysane waxaa la qabtay bishii November ee sanadki i2014-kii, xilligaasi oo ay doonayeen inay u socdaan dalka Giriigga, oo ay uga sii gudbi lahaayeen dalka Syria.

Eedeysanaha 3-aad ee Cadnaan Faarax, oo 20-jir ah, kaasi oo lagu xukumay xabsi 10-sanno ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Minneapolis waxay maalintii Isniintii la soo dhaafay xukun ku riday 2 Somali-Maraykan qeyb ka ahaa 9-ka Eedeysane oo lagu soo oogay inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacis

Garsooraha Maxkamadda Minneapolis, Michael Davis waxa uu Eedeysane Abdullahi Maxamed Yuusuf oo 22 jir ah ku xukumay 23 bilood oo uu horey ugu soo qaatay Xabsiga.

Sidoo kale, Eedeysane Abdirizak Warsame oo 21-jir ah  waxa lagu xukumay 2 sanno iyo bar, isagoo horey 2 sanno u soo dhamaystay Xabsi.

Eedeysane kale oo lagu magacaabo Zakariya Abdirahman oo 21 jir ah waxaa lagu xukumay 10-sanno, isagoo diiday inuu ku markhaati furo Saaxiibadiisa la eedeysnaa

Dhinaca kale,Maxkamadda Minneapolis waxaa la filayaa in maanta la soo taagi doonaa 4 Eedeysanayaal Somali-Maraykan qeyb ka ah Kooxda Dhallinyarada lagu eedeynayo inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish.

3 ka mid ah Eedeysanayaasha  oo lagu kala magacaabo C.raxmaan Yaasiin Daa’uud, Maxamed C/xamiid Faarax iyo Guuleed Cali Cumar ayaa maanta la soo taagi doonaa Maxkamad, waxayna Dacwad-oogayaasha doonayaan in lagu kala xukumo Xabsi dheer oo gaaraya 30 ilaa 40 sanno.

hanad-muss cadnaan-faarax xukun

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts