Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada dowladda Federaalka ee ilaalada ah ka mamnuucday inay hub la galaan Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho oo uu ka socdo tartanka dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Wasaaradda oo qoraal soo saartay ayaa lagu sheegay in intii ay ciyaarahu socdeen soo baxeen arrimo dib u u qiimayn u baahan oo Wasaaraddu ku baraarugtay, kuwaasi oo halis gelin lara bedqabka ciyaaryahanada, masuuliyiinta dowladda iyo taageerayaasha.
Sidoo kale Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa xaqiijisay inay diyaarisay ciidamo ammaan ah, oo ku filan ilaalinta mas’uuliyiinta daawashada u tagaya Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.
Waxay kaloo Wasaaradda tilmaamay inay fududeysay taageerayaasha dowlad Goboleedyada iyo Bobolka Banaadir tikidhada garoonka in laga heli karo dhamaan degmooyinka magaalada Muqdisho.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Warka ay soo saartay Wasaaradda.
1:-Waxaa gudaha garoonka laga mamnuucay ilaalada hubka wadata ee farah badan oo abuuray caqabado xagga ammaanka ah.
2:-Waxay wasaaradda diyaarsiay ciidamo ammaan oo ku filan ilaalinta masuuliyiinta garoonka imaanaysa.
3:-Ciidanka iyo habka waxaa lagu soo reebayaa goobo loo cayimay oo ku yaala afaafka hore eegaroonka.
4:Waxaa ammaanka garoonka iyo nawaaxigiisa masuul ka ah hay’adaha amniga ee gobolka Banaadir.
5:-Sidoo kale wasaaraddu wax ay u fududeyneysaa taageerayaasha tikidhada garoonka in laga heli karo dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.