HomeWararMidowga Afrika oo War kasoo saaray xiisada siyaasadeed ee Somalia iyo Itoobiya

Midowga Afrika oo War kasoo saaray xiisada siyaasadeed ee Somalia iyo Itoobiya

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inay si dhow ula socdaan xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Somaliland ee qeyb kamid ah badda Soomaaliya heshiiska loogala gaaray Itoobiya. War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa waxaa uu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada […]

- Advertisement -

Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inay si dhow ula socdaan xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Somaliland ee qeyb kamid ah badda Soomaaliya heshiiska loogala gaaray Itoobiya.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa waxaa uu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinac, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

- Advertisement -

Sidoo kale guddoomiyaha guudigga Midowga Afrika midowga Moussa Faki ayaa ku baaqay in laga fogaado waxkasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika, ayuu yiri Mr Faki.

Wuxuu intaasi ku daray in la ixtiraamo madaxbanaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah,Midowga Afrika, oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada,si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda,ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Midowga Afrika ayaa labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah u bilaabaan wadahadalo lagu xalinayo kala duwanaanshiyohooda, iyadoo dhanka wanaagga ah laga eegaayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Ugu dambeynyii guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadahan soo cusboonaaday.

Latest stories