Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta ka qabsoomay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo qeybgaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee kasoo jeeda Degmada Cadale iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada Al-Shabaab  looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle.
Sidoo kale waxaa looga arrinsaday dadaallada Xalinta Khilaafaadka, Dardargalinta iyo isku xirka Arrimaha xasilinta deegaanada Hirshabeelle, dhismaha Golayaasha Deegaanka, iyo Dardargalinta tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle Avv. Cabdullaahi Maxamuud Gacal ayaa Golaha la wadaagay muhiimada uu Garsoorka u leeyahay Nabadda, daadajinta hanaanka garsoorka, dhismaha xabsiyo iyadoo Wasaaradda Cadaalada iyo Maxkamadda sare ay iska kaashan doonaan xoojinta Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu bogaadiyay dadaalada iyo shaqooyinka adag ee ay qabteen Gudigii Nabadeynta ee Golaha Wasiirada oo Madaxweynaha Magacaabay ee ku baxay Dadaallada Xalinta Khilaafaad ee ka jiray deegaanada Hirshabeelle.