HomeWararSawirro: Dadweyne ka careysan xariga Gen. Sheegow oo Banaanbax ka wada Muqdisho

Sawirro: Dadweyne ka careysan xariga Gen. Sheegow oo Banaanbax ka wada Muqdisho

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Boqolaal dadweyne ah ayaa Maanta banaanbax ballaaran oo looga horjeedo xariga jeneraal Cali Axmed Sheegow ka wada qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gar ahaan wadada Maka Al-murama iyo wadada Buulo Xuubey.

Banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka qaar ee laamiga ku gubaya taayaro waaweyn, sidoo kalena mararka qaarkood tuurayay dhagxaan, isla markaana hakad geliyay isku socodka dadka iyo gaadiid, kadib markii ay xireen wadada.

- Advertisement -

Qaar kamid ah dadka dibad-baxa dhigayay oo warbaahinta la hadlay ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan dibad-baxyada haddii aan si deg deg ah loo soo deyn jeneraal Sheegow iyo askarta kale ee la xiran, kuwaasi oo shalay ay qabteen ciidanka Booliska.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay degmada Dharkeenley kasoo xiray jeneraal Sheegow iyo in ka badan 20-askari oo u heestay, kaddib dagaal dhiig badan ku daatay uu la galay ciidanka xasilinta caasimadda.

Latest stories