HomeWararSawirro: Dadweyne ka careysan xariga Gen. Sheegow oo Banaanbax ka wada Muqdisho

Sawirro: Dadweyne ka careysan xariga Gen. Sheegow oo Banaanbax ka wada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Boqolaal dadweyne ah ayaa Maanta banaanbax ballaaran oo looga horjeedo xariga jeneraal Cali Axmed Sheegow ka wada qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gar ahaan wadada Maka Al-murama iyo wadada Buulo Xuubey. Banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka qaar ee laamiga ku gubaya taayaro waaweyn, sidoo kalena mararka qaarkood tuurayay dhagxaan, isla markaana hakad geliyay isku socodka dadka iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boqolaal dadweyne ah ayaa Maanta banaanbax ballaaran oo looga horjeedo xariga jeneraal Cali Axmed Sheegow ka wada qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gar ahaan wadada Maka Al-murama iyo wadada Buulo Xuubey.

Banaanbaxayaasha ayaa waddooyinka qaar ee laamiga ku gubaya taayaro waaweyn, sidoo kalena mararka qaarkood tuurayay dhagxaan, isla markaana hakad geliyay isku socodka dadka iyo gaadiid, kadib markii ay xireen wadada.

- Advertisement -

Qaar kamid ah dadka dibad-baxa dhigayay oo warbaahinta la hadlay ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan dibad-baxyada haddii aan si deg deg ah loo soo deyn jeneraal Sheegow iyo askarta kale ee la xiran, kuwaasi oo shalay ay qabteen ciidanka Booliska.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay degmada Dharkeenley kasoo xiray jeneraal Sheegow iyo in ka badan 20-askari oo u heestay, kaddib dagaal dhiig badan ku daatay uu la galay ciidanka xasilinta caasimadda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts