HomeWararMaxaa looga hadlay Shirka Maanta ee Golaha Wasiirada Hirshabeelle?

Maxaa looga hadlay Shirka Maanta ee Golaha Wasiirada Hirshabeelle?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta ka qabsoomay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo qeybgaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee kasoo jeeda Degmada Cadale iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada Al-Shabaab  looga xoreynayo deegaanada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta ka qabsoomay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo qeybgaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee kasoo jeeda Degmada Cadale iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada Al-Shabaab  looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa looga arrinsaday dadaallada Xalinta Khilaafaadka, Dardargalinta iyo isku xirka Arrimaha xasilinta deegaanada Hirshabeelle, dhismaha Golayaasha Deegaanka, iyo Dardargalinta tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle Avv. Cabdullaahi Maxamuud Gacal ayaa Golaha la wadaagay muhiimada uu Garsoorka u leeyahay Nabadda, daadajinta hanaanka garsoorka, dhismaha xabsiyo iyadoo Wasaaradda Cadaalada iyo Maxkamadda sare ay iska kaashan doonaan xoojinta Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu bogaadiyay dadaalada iyo shaqooyinka adag ee ay qabteen Gudigii Nabadeynta ee Golaha Wasiirada oo Madaxweynaha Magacaabay ee ku baxay Dadaallada Xalinta Khilaafaad ee ka jiray deegaanada Hirshabeelle.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts