HomeWararMaxaa looga hadlay Shirka Maanta ee Golaha Wasiirada Hirshabeelle?

Maxaa looga hadlay Shirka Maanta ee Golaha Wasiirada Hirshabeelle?

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta ka qabsoomay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo qeybgaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee kasoo jeeda Degmada Cadale iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada Al-Shabaab  looga xoreynayo deegaanada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo maanta ka qabsoomay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo qeybgaliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee kasoo jeeda Degmada Cadale iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle ayaa looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada Al-Shabaab  looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa looga arrinsaday dadaallada Xalinta Khilaafaadka, Dardargalinta iyo isku xirka Arrimaha xasilinta deegaanada Hirshabeelle, dhismaha Golayaasha Deegaanka, iyo Dardargalinta tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle Avv. Cabdullaahi Maxamuud Gacal ayaa Golaha la wadaagay muhiimada uu Garsoorka u leeyahay Nabadda, daadajinta hanaanka garsoorka, dhismaha xabsiyo iyadoo Wasaaradda Cadaalada iyo Maxkamadda sare ay iska kaashan doonaan xoojinta Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu bogaadiyay dadaalada iyo shaqooyinka adag ee ay qabteen Gudigii Nabadeynta ee Golaha Wasiirada oo Madaxweynaha Magacaabay ee ku baxay Dadaallada Xalinta Khilaafaad ee ka jiray deegaanada Hirshabeelle.

Latest stories