Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Howgallo qorsheysan oo Ciidanka Xoogga dalka ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha dhexe.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay wararku sheegayaan in si gaar ah uu uga dhacay degaanno dhowr ah oo hoostaga Ruunirgood, waxaana Saraakiisha Ciidanka ay sheegeen in ay gaadiid iyo saanad ku qabsadeen howgalkaasi.
Deegaanka Sigsato ayuu ka dhacay howlgalka xoogiisu, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare, balse wax faah faahin ah lagama bixin tirada dhimashada iyo dhaawaca.
Degaanno badan oo ka tirsan Gobolkaasi Shabeellaha dhexe, ayaa waxaa inta badan ka dhaca howgallada qorsheysan ee ay fulinyaan  Ciidanka Dowladda, waxaana mararka qaar ay la kulmaan iska caabin kaga timaadda dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab, xilliyada ay ku gudajiraan howlgalada.