HomeWararRW Xamsa Cabdi Barre oo kormeerey Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som

RW Xamsa Cabdi Barre oo kormeerey Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kormeerey Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som, ayaa la dardaarmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Gorgor oo uu halkaas tababar uga soconayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kuliyadda Turki-Som ay soo saartay Saraakiil iyo Ciidan dalka ka sameeyey isbeddel amni, isla markaana soo celiyey kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen Ciidanka Qalabka-Sida, taas oo horseeday in guulo wax ku ool ah.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Gorgor ee X.D.S, ayaa xusay in ay hubka u sitaan ilaalinta difaaca dalka, diinta iyo dadka, sidaas darteedna laga rabo in ay ka fogaan wax walba oo xumeynaya sumcaddooda.

Guutada Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay yihiin qeyb muhiim ah oo door wanaagsan ka ciyaaray xoreynta qeybo kamid ah gobollada dalka.

Intii uu socday kormeerka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ciidanku ay soo bandhigay dhoolatus la xiriira tababarka iyo duruusta ay ku qaataan kuliyadda.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiya kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha ciidanka Qaranka, gaar ahaan Kulliyadda Turki-Som oo soo saarta saraakiil iyo ciidan wax weyn ku soo kordhiyay difaaca Qaranka.

Latest stories