Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha Doolow ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Maamulka degmada, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoona intaas kadib loo galbiyay dhanka Xarunta Maamulka degmada.
Ujeedka safarka Maxamuud Sayyid Aadan ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Maamulka degmada Doolow, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, isagoo kala hadli doona xaalada amniga degmada iyo wax ka qabashada baahiyaha jira.
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Luuq oo dhawaan uu socdaal ku gaaray, waxaana mas’uuliyiinta degmadaasi ay sheegeen inay la shaqeynayaan Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Khilaafka Gedo ayaa u dhaxeeya qaar ka mid ah siyaasiinta gobolka iyo maamulka Jubaland, waxaana arrintaa sii huriyay maamulkii uu gobolka u magacaabay dhawaan madaxweyne Axmed Madoobe