HomeWararMas’uul ka tirsan Hirshabeelle oo lagu dilay Qarax Is-miidaamin ah oo lala...

Mas’uul ka tirsan Hirshabeelle oo lagu dilay Qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan suuqa lagu iibiyo xoolaha ee magaaladaasi ku yaalla. Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday oo la isku qarxiyey Madaxii Dabagalka Maaliyada Gobolka Shabeellaha Dhexe  ee Hirshabeelle Daahir Maxamed Kaanti, isagoona […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan suuqa lagu iibiyo xoolaha ee magaaladaasi ku yaalla.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday oo la isku qarxiyey Madaxii Dabagalka Maaliyada Gobolka Shabeellaha Dhexe  ee Hirshabeelle Daahir Maxamed Kaanti, isagoona u geeriyooday dhaawac halis ah oo qaraxaas kasoo gaaray, jugta qaraxa ayaana laga maqlay xaafadaha Jowhar.

- Advertisement -

Axmed Meyre Makaraan Faal oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Daahir Kaanti.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Axmed Faal ayaa waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu lafdhabar u ahaa Bulshada Gobolka, isla markaana door weyna ka qaatay dhismaha Dowladanimada.

Gaba-gabadii Gudoomiyaha ayaa Alle ugu baryey Marxuumka in Janatul Fardowsa Alle ka waraabiyo samir iyo iimaana kasiiyo Ehelada iyo Qaraabadii uu ka baxay, waxaana uu Caafimaad u rajeeyey inta ku dhaawacantay Qaraxaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts