HomeWararMadaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland oo gaaray Doolow

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland oo gaaray Doolow

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Garoonka diyaaradaha Doolow ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Maamulka degmada, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoona intaas kadib loo galbiyay dhanka Xarunta Maamulka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhow gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha Doolow ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Maamulka degmada, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoona intaas kadib loo galbiyay dhanka Xarunta Maamulka degmada.

- Advertisement -

Ujeedka safarka Maxamuud Sayyid Aadan ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Maamulka degmada Doolow, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, isagoo kala hadli doona xaalada amniga degmada iyo wax ka qabashada baahiyaha jira.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Luuq oo dhawaan uu socdaal ku gaaray, waxaana mas’uuliyiinta degmadaasi ay sheegeen inay la shaqeynayaan Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Khilaafka Gedo ayaa u dhaxeeya qaar ka mid ah siyaasiinta gobolka iyo maamulka Jubaland, waxaana arrintaa sii huriyay maamulkii uu gobolka u magacaabay dhawaan madaxweyne Axmed Madoobe

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts