HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse Barre oo Goor dhow gaaray Baladweyne & ujeedka safarkiisa

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Goor dhow gaaray Baladweyne & ujeedka safarkiisa

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo markii hore kasoo ambabaxay magaalada Qabri Dahare ee dowlad degaanka Soomaalida Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo markii hore kasoo ambabaxay magaalada Qabri Dahare ee dowlad degaanka Soomaalida

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan Al-shabaab.

Baladweyne ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda uga sii horreeyay oo saakay gaaray Wasiirrada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Axmed Macallin Fiqi, Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Haweenka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.

Waa Socdaalkii labaad ee Ra’iisul Wasaare Xamse ku yimaado magaalada Beledweyne tan iyo markii uu xilka qabtay, taasi oo muujineysa ahmiyadda iyo mudnaanta uu Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisu siineyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts