HomeWararHirshabeelle oo maamulo cusub u magacaawaday Degmooyin ay ka dhaceen Qaraxyo

Hirshabeelle oo maamulo cusub u magacaawaday Degmooyin ay ka dhaceen Qaraxyo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Gobolka Hiiraan u Magacaabay Guddoomiye ku xigeenno cusub, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guurre (Karoorre). Wasiirka ayaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan u magacaabay Xasan Ibraahim Cabdulle, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo dib u dhiska Gobolkaas ayaa loo magacaabay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Gobolka Hiiraan u Magacaabay Guddoomiye ku xigeenno cusub, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guurre (Karoorre).

Wasiirka ayaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan u magacaabay Xasan Ibraahim Cabdulle, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo dib u dhiska Gobolkaas ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Muumin.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka dib u heshiisiinta iyo Federaalka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (Dhoobeey), sidoo kalena Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Buulo-burte.

Guddoomiyaha cusub ee Buulo-burte ayaa laga dhigay Xasan Maxamed Cabdi, oo bedelaya Guddoomiyihii horee ee degmadaas Axmed Mahad Nuur, oo xilka qaadis uu ku sameeyay Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guurre (Karoorre).

Dhinaca kale waxaa Maamul cusub loo magacaabay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Maaliyadda degmada loo magacaabay Maxamed Qaasim Cabdi, halka Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka dib u dhiska degmada laga dhigay Cabdisalaan Xasan Abuukar.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada degmada Jalalaqsi ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Xasan Ibraahim, magacaabista mas’uuliyiinta cusub ayaa ku timid, kadib markii la arkay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha muhiimka.

Si kastaba Maamulada cusub ee loo magacaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyada shalay qaraxyo Is-miidaamin ah oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen degmooyinkaas, waxaana dadka dhintay ku jira mas’uuliyiin kamid ahaa degmada Jalalaqsi.

Hoos ka Akhriso Wareegtooyinka magacaabista

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts