HomeWararHirshabeelle oo maamulo cusub u magacaawaday Degmooyin ay ka dhaceen Qaraxyo

Hirshabeelle oo maamulo cusub u magacaawaday Degmooyin ay ka dhaceen Qaraxyo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Gobolka Hiiraan u Magacaabay Guddoomiye ku xigeenno cusub, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guurre (Karoorre). Wasiirka ayaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan u magacaabay Xasan Ibraahim Cabdulle, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo dib u dhiska Gobolkaas ayaa loo magacaabay […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Gobolka Hiiraan u Magacaabay Guddoomiye ku xigeenno cusub, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guurre (Karoorre).

Wasiirka ayaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan u magacaabay Xasan Ibraahim Cabdulle, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo dib u dhiska Gobolkaas ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Muumin.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka dib u heshiisiinta iyo Federaalka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (Dhoobeey), sidoo kalena Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Buulo-burte.

Guddoomiyaha cusub ee Buulo-burte ayaa laga dhigay Xasan Maxamed Cabdi, oo bedelaya Guddoomiyihii horee ee degmadaas Axmed Mahad Nuur, oo xilka qaadis uu ku sameeyay Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guurre (Karoorre).

Dhinaca kale waxaa Maamul cusub loo magacaabay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Maaliyadda degmada loo magacaabay Maxamed Qaasim Cabdi, halka Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka dib u dhiska degmada laga dhigay Cabdisalaan Xasan Abuukar.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada degmada Jalalaqsi ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Xasan Ibraahim, magacaabista mas’uuliyiinta cusub ayaa ku timid, kadib markii la arkay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha muhiimka.

Si kastaba Maamulada cusub ee loo magacaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyada shalay qaraxyo Is-miidaamin ah oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen degmooyinkaas, waxaana dadka dhintay ku jira mas’uuliyiin kamid ahaa degmada Jalalaqsi.

Hoos ka Akhriso Wareegtooyinka magacaabista

Latest stories