HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse Barre oo Goor dhow gaaray Baladweyne & ujeedka safarkiisa

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Goor dhow gaaray Baladweyne & ujeedka safarkiisa

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo markii hore kasoo ambabaxay magaalada Qabri Dahare ee dowlad degaanka Soomaalida Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo markii hore kasoo ambabaxay magaalada Qabri Dahare ee dowlad degaanka Soomaalida

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Yusuf Axmed Xagar, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Masuuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ay kula jiraan Al-shabaab.

Baladweyne ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda uga sii horreeyay oo saakay gaaray Wasiirrada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Axmed Macallin Fiqi, Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Haweenka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.

Waa Socdaalkii labaad ee Ra’iisul Wasaare Xamse ku yimaado magaalada Beledweyne tan iyo markii uu xilka qabtay, taasi oo muujineysa ahmiyadda iyo mudnaanta uu Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumaddiisu siineyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

- Advertisement -

Latest stories