HomeWararMuxuu MW Xasan Sheekh kala hadlay Wasiirada Waxbarashada M/Goboleedyada?

Muxuu MW Xasan Sheekh kala hadlay Wasiirada Waxbarashada M/Goboleedyada?

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee dalka ayaa kala hadlay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta iyo baahinta adeegyada waxbarashada. Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee dalka ayaa kala hadlay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta iyo baahinta adeegyada waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha waxbarashada, manhajka iyo imtixaanaadka shahaadiga ah.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay  ka go’antahah tayeynta iyo kordhinta fursadaha waxbarasho, tirada macalimiinta iyo xarummaha waxbarashada.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan. Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgelinayo hindiseyaal lagu kordhinayo qoondada maaliyadeed ee waxbarashada, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin una baahan tababarro dhanka xirfadaha ah.

Latest stories