Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdiga uu Hogaaminayo Socdaalka Shaqo ku jooga Magaalada Jigjiga ayaa Booqday Jaamacada Jigjiga isagoona Madaxweyne Mustafe Cagjar kala hadlay Hormarinta Waxbarashada Deegaanada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida  Mustafe Cagjar ayaa Madaxweyne Laftagareen ubalan qaaday in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kala shaqayn doono Hormarinta Waxbarashada iyo Xaqiijinta Amniga waxaana uu Sheegey in Ardayda Waxbarashada Koonfur Galbeed ugu Deeqay Deeq Waxbarasho oo Lacag la,aan ah.