HomeWararAl-Shabaab oo u hanjabay dadka ka qayb qaadanaya doorashada dalka Kenya

Al-Shabaab oo u hanjabay dadka ka qayb qaadanaya doorashada dalka Kenya

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Iyadoo dadweynaha Gobolka Waqooy-bari Kenya ay saaka si nabad ah ugu dareereen goobaha codbixinta ayaa waxaa soo baxaya warar sheegayo in weerarro ay ka dhaceen goobaha qaar halka Al-Shabaab ay handadeen codbixiyeyaasha.

Xalay,dagaalamayaal looga shakisan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay weerar ku qaadeen deegaanno hoostaga Mandheera gaar ahaan aagga xudduudda.

Wararku waxay sheegayaan in kooxda ay jartay isgaarsiinta deegaanka Carabiya oo bariga Mandheera.

Dadka deegaanka ee ku nool xudduudda ayaa ka gaabsaday inay la hadlaan warbaahinta maaddaama ay ka cabsanayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa jira warar soo baxaya oo ku saabsan in Al-Shabaab ay dadka ka hor istaagayso inay u safraan deegaannada bariga Wajeer si ay u soo codeeyaan.

Dad ku sugan tuulada Qarsa oo aan magacooda sheegin ayaa BBC u sheegay in AL-Shabaab ay ku amreen dad saarnaa baabuur inay kasoo degaan, isla markaana waxay dab qabadsiiyeen baabuurkii.

Waxay intaa ku dareen in Al-Shabaab ay shacabka uga digtay inay codkooda dhiibtaan.

BBC-da waxay la xiriirtay taliyaha booliska maamulka Wajeer Hilary Toroitich balse wax jawaab kama aanan helin.

Tuulada Konton ee ku taalla bariga Wajeer, waxaa laga maqlayay dhawaqa rasaas loo maleynayo inay soo ridday Al-Shabaab.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories