HomeWararAl-Shabaab oo u hanjabay dadka ka qayb qaadanaya doorashada dalka Kenya

Al-Shabaab oo u hanjabay dadka ka qayb qaadanaya doorashada dalka Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Iyadoo dadweynaha Gobolka Waqooy-bari Kenya ay saaka si nabad ah ugu dareereen goobaha codbixinta ayaa waxaa soo baxaya warar sheegayo in weerarro ay ka dhaceen goobaha qaar halka Al-Shabaab ay handadeen codbixiyeyaasha. Xalay,dagaalamayaal looga shakisan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay weerar ku qaadeen deegaanno hoostaga Mandheera gaar ahaan aagga xudduudda. Wararku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo dadweynaha Gobolka Waqooy-bari Kenya ay saaka si nabad ah ugu dareereen goobaha codbixinta ayaa waxaa soo baxaya warar sheegayo in weerarro ay ka dhaceen goobaha qaar halka Al-Shabaab ay handadeen codbixiyeyaasha.

Xalay,dagaalamayaal looga shakisan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay weerar ku qaadeen deegaanno hoostaga Mandheera gaar ahaan aagga xudduudda.

- Advertisement -

Wararku waxay sheegayaan in kooxda ay jartay isgaarsiinta deegaanka Carabiya oo bariga Mandheera.

Dadka deegaanka ee ku nool xudduudda ayaa ka gaabsaday inay la hadlaan warbaahinta maaddaama ay ka cabsanayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa jira warar soo baxaya oo ku saabsan in Al-Shabaab ay dadka ka hor istaagayso inay u safraan deegaannada bariga Wajeer si ay u soo codeeyaan.

- Advertisement -

Dad ku sugan tuulada Qarsa oo aan magacooda sheegin ayaa BBC u sheegay in AL-Shabaab ay ku amreen dad saarnaa baabuur inay kasoo degaan, isla markaana waxay dab qabadsiiyeen baabuurkii.

Waxay intaa ku dareen in Al-Shabaab ay shacabka uga digtay inay codkooda dhiibtaan.

BBC-da waxay la xiriirtay taliyaha booliska maamulka Wajeer Hilary Toroitich balse wax jawaab kama aanan helin.

Tuulada Konton ee ku taalla bariga Wajeer, waxaa laga maqlayay dhawaqa rasaas loo maleynayo inay soo ridday Al-Shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts