Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay weeraro Culus ka gaysteen degaanno dhowr ah oo hoostaga magaalada mandheera ee waqooyi Bari Kenya.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay weerareen labo degaan oo Ciidanka Kenya ay ku sugnaayen, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, iyadoo dadka degaanku ay soo sheegayaan in dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weerarada mid ka mid ah ah ayay AL-Shabaab ku qaadeen degaanka Ilie oo hoos taga mandheere, waxaana halkaasi ka dhacauy dagaal xooggan oo Ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab dhex-maray.
Waxaana wararku tilmaamayaan in khasaare xooggan uu soo gaaray Ciidanka la weeraray, inkastoo aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee waxyeeladu soo gaartay.
Sidoo kale AL-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen degaan kale oo la sheegay in ay ka socotay diyaar garow ku aaddan doorashada dalkaasi Kenya ka socota.
Sarakiisha Aammaanka Kenya wax war ah kama soo saarin dagaalkaasi, sidoo kale ma jiraan faah faahinno kale oo dheeraad ah oo laga helay dagaalkaasi, waxaana la ogayn tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalkaasi