Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha xilka kasii dagaya ee Xukuumaddii xilgaarsiinta aheyd Maxamed Xuseen Rooble.
Kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid ku saabsan salaan iyo xog-wareysi ku aadan xaaladda dalka oo kaliya, wuxuuna kulanka ka dhacay hoyga uu Xarunta Madaxtooyada ka degan yahay Maxamed Xuseen Rooble oo ah Ra’iisul Wasaaraha xilka kasii dagaya.
Rooble ayaa Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre u rajeeyay in Eebbe la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, uuna u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud.
Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in Codka kalsoonida siiyaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, si uu u soo dhiso Gollihiisa Wasiirada Xukuumadda oo laga doonayo inay qabtaan shaqooyin dhowr ah, isla markaana muhiim u ah dalka.