HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Baxdo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud sida ay isaga difaaceen weerarkii  arroornimadii hore ee saaka oo Jimco ah Al-shabaab ay ku qaadeen deegaankaas. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyen Xasan uu tilmaamay in khasaaraha xooggan ee Bulshada Baxdo iyo Ciidanka Xoogga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud sida ay isaga difaaceen weerarkii  arroornimadii hore ee saaka oo Jimco ah Al-shabaab ay ku qaadeen deegaankaas.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyen Xasan uu tilmaamay in khasaaraha xooggan ee Bulshada Baxdo iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarsiiyeen Al-shabaab soo weerartay ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay inay iska difaacan Shabaabka.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku geeriyootay weerarkan Al-shabaab ay saaka ku qaadeen deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda,

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu Caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu  soo gaartay, waxaana dadka dhaawacmay badankooda loo soo qaaday Magaalada Caasimadda Muqdisho, lana  dhigay Isbitaalo.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii cuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud, waxaana la sheegay in Al-shabaab looga dilay in ka badan 20 xubnood, halka dhankooda shabaab ay sheegteen inay dagaalka ku dileen 27 maleeshiyaad  deegaanka ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts