Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaano hoostega Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Ciidamada Nabadsugida ayaa howlgalkaan si gaar ah uga fuliyay deegaano ay kamid ahaayeen Goofgaduud Shabeelow, Abdurug,Buula tugeer, Awees Emed, Jidoow, Safriya iyo Aliyow Muumin, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalka oo qaatay sacado dhowr ah ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo qab qabtay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena howlgalka lagu soo furay s Dad Maxaabiis ahaa oo xirnaa
Saraakiisha Ciidamada ayaa faray qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Goof-gaduud Shabeelow inay la shaqeyaan Laamaha Amniga si looga falalka amni darro iyo dhibaatada xiliyada qaarkood loo geysto shacabka.
Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa mudooyinkaan waday Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada Baydhabo, Howlgalkan ayaa Bilowga Bisha Ramadaan ay sameeyeen Ciidanka Nabadsugida ee lagu Guulaystay in looga hortego falal amni darro.