HomeWararKulan looga hadlay Amniga deegaanada Maamulka Puntland oo Maanta qabsoomay

Kulan looga hadlay Amniga deegaanada Maamulka Puntland oo Maanta qabsoomay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-gudoomiyey shirka Amniga Puntland, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Shirka ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay xoojinta Amniga guud ee deegaanada Puntland iyo dar-dargelinta hawl-galada ka dhan ah  Al-shabaab iyo ka hortega falalka amni darro […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-gudoomiyey shirka Amniga Puntland, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shirka ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay xoojinta Amniga guud ee deegaanada Puntland iyo dar-dargelinta hawl-galada ka dhan ah  Al-shabaab iyo ka hortega falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ka dhaca deegaanada Maamulka.

- Advertisement -

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa waxaa uu faray Saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida inay feejignaan dheeri ah sameeyaan inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Maanta kow ah.

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shacabka ka dalbaday inay wadashaqeyn la yeeshaan laamaha amniga Maamulka, si looga hortego wax kasta oo keeni kara falalka amni darro, maadaama la guda galay Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada qeybahooda kala duwan, Wasiiro, Guddoomiyeyaal degmo iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoo isku raacay in la dardar-geliyo xoojinta amniga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts