HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlay khasaaraha Dabkii ka kacay Suuqa Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay khasaaraha Dabkii ka kacay Suuqa Hargeysa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay Dabkii xooganaa ee xalay ilaa iyo saaka ka ololayey Suuqa ugu weyn ee Magaalada Hargeysa ee Somaliland, dabkaas oo socday in ka badan 10 saacadood. Madaxweyne Bixii oo warbaahinta kula hadlay gudaha Suuqa gubtay ayaa waxaa uu sheegay in dabkii ka kacay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay Dabkii xooganaa ee xalay ilaa iyo saaka ka ololayey Suuqa ugu weyn ee Magaalada Hargeysa ee Somaliland, dabkaas oo socday in ka badan 10 saacadood.

Madaxweyne Bixii oo warbaahinta kula hadlay gudaha Suuqa gubtay ayaa waxaa uu sheegay in dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ay ku baaba’day hanti gaareeysa maalaayiin dollar oo ay lahaayeen Dad Ganacsato oo Suuqa Hargeysa goobo Ganacsi ku lahaa.

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland ayaa xaqiijiyay in 28 qof oo 9 kamid ah Haween yihiin ay ku dhaawacmeen dabka, isla markaana la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, isagoo xusay in dhaawacyada aysan aheyn kuwo daran.

Dadka waxyeelada kasoo gaartay Dabka ayuu Madaxweyne Muuse Biixi sheegay inay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee gurmadka bilaabay, ayna ku jiraan Ganacsato, wuxuuna Alle uga baryey in dadkii ku hanti waayay Dabka uu bedel kheyr qabo siiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay bilaabeyso gurmadyo loo sameeynayo dadkii ku hanti waayay Dabka ka kacay Suuqa Haegeysa, isla markaana uu isaga hal Milyan oo dollar siin doono dadka Dabka hantidooda ku gubatay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts