HomeWararRW Rooble oo ka hadlay bilaabida Bixinta shahaaddooyinka Xildhibaannada Cusub

RW Rooble oo ka hadlay bilaabida Bixinta shahaaddooyinka Xildhibaannada Cusub

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay bilaashada bixinta shahaaddooyinka Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu Guddiga ugu hambalyeeyay bilaabida bixinta Shahaaddooyinka Xildhibaannada la soo doortay ee Baarlamaanka 11aad ee dalka. Rooble ayaa waxaa uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay bilaashada bixinta shahaaddooyinka Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu Guddiga ugu hambalyeeyay bilaabida bixinta Shahaaddooyinka Xildhibaannada la soo doortay ee Baarlamaanka 11aad ee dalka.

- Advertisement -

Rooble ayaa waxaa uu ku boggaadiyey Xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka Baarlamaanka Jamhuuriyadda, wuxuuna u rajeeyay in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay.

“Waxaan bogaadinayaa xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, anigoo rajeynaya in howsha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Maanta oo sabti ah bilaabay shahaado siinta Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ee lagu soo doortay Goboleedyada iyo Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Muuse Geelle Yuusuf ayaa Xilhibaankii ugu horreeyay siiyay shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda, kaasi oo noqday Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#108.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts