HomeWararDegmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolada dalka oo Maanta aan laga soomin

Degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolada dalka oo Maanta aan laga soomin

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Iyadoo Maanta ay tahay Maalinta Koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan oo Dunida Muslimka badi laga wada sooman yahay ayaa deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya aan laga soomin. Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa xalay ku dhawaaqday in Maanta oo sabti ah ay tahay maalinta koowaad ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo Maanta ay tahay Maalinta Koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan oo Dunida Muslimka badi laga wada sooman yahay ayaa deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya aan laga soomin.

Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa xalay ku dhawaaqday in Maanta oo sabti ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii bisha laga arkay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaano kale oo dalka ka tirsan.

- Advertisement -

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dhexe ee dalka sida: Magaalooyinka Guriceel, Caabudwaaq, qeyb kamid ah Cadaado, Xeraale iyo qayb ka mida Gaalkacyo ayaa Maanta laga soomin, waxaana dadka halkaas kunool oo ay ugu horreeyaan Culimada Masaajida ay sheegeen in aan bisha Ramadaan la arkin oo 30-ka Shacbaan la dhameeystirayo, isla markaana berri ay tahay Maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno deegaano iyo degmooyin kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta aan laga soomaneynin, waxaana dad ku sugan halkaas ay tilmaameen in xalay la arki waayay bisha Ramadaan.

Dhinaca kale Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday in Maanta oo sabti deegaanadooda aan laga soomeynin, isla markaana xalay laga arki waayay bisha Ramadaan, sidaasina lagu dhameeynayo 30-ka Shacbaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts