HomeWararAkhriso:-Magacyada Xildhibaano cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Garoowe

Akhriso:-Magacyada Xildhibaano cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Maamulka Puntland. Doorashada kursiga #HOP192 ee doorashadii ka dhacday Garoowe ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maxamed Faarax Nuux iyo Ruwayda Maxamuud Maxamed, waxaana doorashada kusoo baxay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Maamulka Puntland.

Doorashada kursiga #HOP192 ee doorashadii ka dhacday Garoowe ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maxamed Faarax Nuux iyo Ruwayda Maxamuud Maxamed, waxaana doorashada kusoo baxay Maxamed Faarax oo helay 91 Cod.

- Advertisement -

Kursiga #HOP094  ayaa waxaa kusoo baxay Sahra Cabdullaahi Cigaal oo heshay 87 Cod, isla markaana waxaa doorashada kursigaas kula tartantay Fardowso Maxamed Aadan, halka kursiga #HOP121 ay ku guuleysatay Farxiyo Yuusuf Cumar oo gacan taag loogu coddeeeyay, kadib markii tartanka ka hartay Nimco Cumar Cabdi.

Doorashada kursiga #HOP014  ayaa waxaa ku tartamay Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar iyo Cabdirisaaq Axmed Xuseen, waxaana ku guulaystay Daa’uud Cabdikariin oo helay 90 Cod, isagoona doorashada kula tartamay Cabdirisaaq Axmed Xuseen.

Kursiga #HOP075 ayaa waxaa Cod gacan taag ah loogu coddeeyay oo ku guulaystay Cabdiqani Maxamuud Maxamed, ka dib markii uu u tanaasulay Axmed Cabdiraxmaan Cilmi, wuxuuna Cabdiqani Maxamuud  98 Cod.

- Advertisement -

Doorashada kursigii ugu dambeeyay ee doorashadiisa ka dhacday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ee tirsigiisu yahay #HO174 ayaa waxaa Cod gacan taag ah ugu soo baxay Khadra Axmed Maxamed, ka dib markii layla Cabdi Faarax ay u tanaasushay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts