HomeWararKulan looga hadlaayay la-dagaalanka maandooriyaha oo Maanta lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hadlaayay la-dagaalanka maandooriyaha oo Maanta lagu qabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaasha dhallinyarada degmooyinka. Kulankan ayaa waxaa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa wacyigalinta la-dagaalanka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo xiligaan si xoogan uga socday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaasha dhallinyarada degmooyinka.

Kulankan ayaa waxaa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa wacyigalinta la-dagaalanka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo xiligaan si xoogan uga socday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

- Advertisement -

Kulankani ayaa inta uu socday waxa uu Guddoomiyaha warbixina kala duwan ka dhageystay dhallinyaradii kulanka ka qeyb gashay, kuwaas oo tilmaamay sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb qaadashada doorkooda ku aadan la-dagaalanka Muqaadaraadka iyo horumarinta dhalinyarada magalada muqdisho

Guddoomiye Cumar Filish ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Muqdisho iney meel ugu soo wada jeestaan cirib tirka Maandooriyaha oo ah caqabad hor taagan horumarka dhallinyarada iyo Xasiloonida Caasimadda.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay waxyaabaha maanka dooriya, iyadoona laamaha amniga gacanta ku dhigeen waxyaabo farabadan oo kamid ah maandooriyeyaasha, sidoo kalena la burburiyey goobo lagu farsameyn jiray Calaqa iyo xashiishka.

Latest stories