HomeWararAxmed Madoobe oo dalbaday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo dadka...

Axmed Madoobe oo dalbaday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo dadka ay abaauruhu saameeyeen

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay shir weyne lagaga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee Jubaland isla markana lagu qabtay hab maqal iyo muuqaal […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay shir weyne lagaga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee Jubaland isla markana lagu qabtay hab maqal iyo muuqaal ay ayaa waxaa ka qeybgalay Safaaradaha Dalalka Netherlands, Sweden, Uk iyo wakiilada hay’adaha gargaarka ee ka howlgal dalka.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada hada taagan loo baahan yahay gargaar deg deg ah oo wax lagaga qabto xaalada taagan iyadoo howlahaas ay ka shaqaynayso Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka, Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in gargaarka iyo taakulada loo baahan yahay ay hada tahay wakhtigii ugu macquulsanaa ee la gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in laga wada shaqaynayo sidii loo abuuri lahaa xal waara oo lagaga gudbo musiibooyinka soo noq noqda sida abaaraha iyo fatahaadaha si taas loo helana loo bahan yahay in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha bulshada nugul.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in biyo xireenada wabiga Jubba iyo keydinta biyaha roobka ay muhiim u yihiin bulshada si ay dib ugu isticmaalaan xiliyada abaarahu ay jiraan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts