HomeWararXasan Kheyre oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Xasan Kheyre oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo xilka qaadistii Maanta lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dalka xiligaan uu marayo xaalad halis ah oo ay hore uga digeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo xilka qaadistii Maanta lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dalka xiligaan uu marayo xaalad halis ah oo ay hore uga digeen in la gaarsiiyo dalka.

- Advertisement -

Kheyre ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu kasoo kacay shirar looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka oo uu ugu dambeeyay Shirkii Afisyooni ee Madaxda, isla markaana farmaajo uu yahay mid diidan inay doorasho dalka ka dhacdo.

Waxaa uu sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay shaqadii laga rabay oo uu haatan damacsan yahay inuu kala qeybiyo Ciidamada, uuna dalka ku wado God, sidoo kalena u yeertay Baarlamaanka waqtiga ka dhammaaday, si ay muddo kordhin ugu sameyaan.

Dalka ayuu tilmaamay Xasan Kheye in amnigiisa iyo dhaqaalihiisa ay hoos u socdaan, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan niyad xumo, uuna arrimahaas mas’uul ka yahay Madaxweyne Farmaajo

- Advertisement -

Ugu dambeyn Kheyre ayaa boggaadiyay tallaabada uu qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan Joon oo aheyd in Maanta uu sheegay in aan la aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyay Madaxda, balse xilka laga qaaday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts