HomeWararRa’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta oo gaaray Degmada Awdheegle + ujeedka

Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta oo gaaray Degmada Awdheegle + ujeedka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa duhurnimadii Maanta gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed. Socdaalka uu Ra’iisul Wasaare ku tegay degmada Awdheegle ayaa waxaa ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Ujeedka Rooble ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa duhurnimadii Maanta gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Socdaalka uu Ra’iisul Wasaare ku tegay degmada Awdheegle ayaa waxaa ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

- Advertisement -

Ujeedka Rooble ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa Munaasabadda Ciidamada Xoogga dalka oo u dabaal degaya Sanadguurooda 61-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay Ciidamada 12 April 1960-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Ciidamada ku boggaadiyay guushii maalmo kahor ka gaareen weeraradii Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire iyo Awdheeglle, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Al-shabaabn ayaa dhawaan weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Saldhigyada Ciidamada ay ku leeyihiin Bariire iyo Awdheeglle, waxaana weerarka Ciidanka dowladda looga dilay in ka badan 20 Askari, halka shabaabka uga dhinteen Askar farabadan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts