HomeWararXildhibaanadii laga joojiyay fadhiyada Golaha Shacabka oo Go’aan gaaray

Xildhibaanadii laga joojiyay fadhiyada Golaha Shacabka oo Go’aan gaaray

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

15-kii xildhibaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee laga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada Baarlamaanka ayaa Maanta ka hadlay Warqadii xalay kasoo baxday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Xildhibaanada oo goor dhow warbaahinta hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo Guddoomiye Mursal u Cuskaday Go’aanka Xildhibaanada kulamada looga joojiyay, isla […]

- Advertisement -
- Advertisement -

15-kii xildhibaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee laga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada Baarlamaanka ayaa Maanta ka hadlay Warqadii xalay kasoo baxday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Xildhibaanada oo goor dhow warbaahinta hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo Guddoomiye Mursal u Cuskaday Go’aanka Xildhibaanada kulamada looga joojiyay, isla markaana uusan jirin xeer u ogolaanaya inuu gaaro Go’aankaas.

- Advertisement -

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye Maxamed Mursal ku eedeeyay inuu meel uga dhacay xeer hoosaadka Golaha Shacabka, uuna ku xad-gudbay qodobo ku jira, isla markaana ku tuntay qodobka Xarunta Golaha Shacabka ka mamnuucaya in lala soo galo hub.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa tilmaamay in Guddoomiye Mursal uu Guddi Xildhibaano ah u sheegay in Ciidankii dharcadka ahaa ee shalay la geeyay Xarunta Golaha uu isaga dalbaday, uuna doonayo in Ciidamo dheeraad ah loo keeno.

Sidoo kale 15-kii xildhibaan ee laga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada Baarlamaanka ayaa sheegay inay berri tagayaan fadhiga Golaha, ayna soo gaartay farriintii maanta Xildhibaanada loogu wargelinayay kulanka berrito.

- Advertisement -

Xildhibaanada ayaa intaas waxaa ay kusii dareen inay berri tagayaan fadhiga, isla markaana wixii halkaas ka dhaca uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts