HomeWararJubbaland oo war kasoo saartay heshiis dhex-maray Cabdirashiid Janan iyo Dowladda

Jubbaland oo war kasoo saartay heshiis dhex-maray Cabdirashiid Janan iyo Dowladda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka iyo wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiir Janan, kaasi oo heshiis la galay Xukuumadda mudda xileedkeedu dhammaaday. Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ku biiritaan Janan ee uu ku biiray Dowladda Federaalka uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin  Maamulka Jubbaland, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka iyo wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiir Janan, kaasi oo heshiis la galay Xukuumadda mudda xileedkeedu dhammaaday.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ku biiritaan Janan ee uu ku biiray Dowladda Federaalka uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin  Maamulka Jubbaland, waxaana uu intaa ku daray in Mowqifk Jubbaland aysan waxna iska beddeli doonin.

- Advertisement -

Wasiirka oo wareysi uu siiyay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ku faah faahiyay arrimaha Cabdirashiid Janan ayaa intaa ku daray in dowladdu iyadu ay mar xirtay Janan  oo tiri waa dambiile, haddana iyadaa diyaarado & wasiiro u soo dirsatay.

Cabdirashiid Janan ayaa horay dagaallo culus ula galay Dowaladda waxaana, tiro dhowr jeer ah uu soo weeraray degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo oo ay ka  mid tahay Beled-xaawo, waxaana dagaaladaasi ku dhintay dad shacab ah iyadoo ay barakeen kuwo kale.

Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dalbatay in Dhibanayaasha iyo qoysaska ay saamaynta ku yeesheen falalka  inuu ka gaystay  Cabdirashiid Janan helaan Cadaaladda.

- Advertisement -

Cabdirashiid Janan ayaa heshiis la gaaray Dowladda Federaalka, waxaana si weyn loogu soo dhawweyay duleedka Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo Soodhaweynta Cabdirashiid Janan ay ka qayb qaataay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay hogaaminayaan wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Al-cadaala ayna wehliyaan saraakiil kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts