HomeWararMuxuu ka yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya weerarkii luul Yemeni?

Muxuu ka yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya weerarkii luul Yemeni?

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahan Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Qaraxii xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni ee ku taalla degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir. Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu marka hore tacsi ugu diray dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo Ehelada dadkii shacabka ahaa eek u geeriyooday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahan Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Qaraxii xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni ee ku taalla degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir.

Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu marka hore tacsi ugu diray dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo Ehelada dadkii shacabka ahaa eek u geeriyooday qaraxii xalay dhacay ee loo adeegsaday Mooto laga soo buuxiyay walxa qarxa.

- Advertisement -

Musharax Xasan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in la laayo dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, isagoona shacabaka ugu baaqay inay u midooban la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana la isku kashado, waa sida uu yiri.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii caawa. waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyn” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Qarax Is-miidaamin ah ayaa xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni oo ay xiligaas ka cunteynayeen dad shacab ah, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, kadib markii ay dumeen dhismayaal.

- Advertisement -

Ugu yaraan 10 qof ayuu Booliska dowladda Federaalka sheegay inay ku dhinteen qaraxaas, halka dad gaaraya 30 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, hayeeshee goobjoogayaal ayaa ku warramay in tirada dhimasho ay gaareyso in  ka badan 20 ruux.

Al-shabaab oo warar ku faafiyay baraha Internet-ka ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoona sheegtay inay bartilmaameedsadeen Saraakiil ciidan oo isugu imaatin lahaa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts