HomeWararQaramada Midoobay oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Qaramada Midoobay oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Cambaareeyay weerarkii Al-shabaab xalay ku qaadeen Maqaayada Luul Yemeni ee ku taalla meel ku dhow Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay ka cunteynayeen dad shacab ah. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo loo adeegsaday Mooto nooca xamuulka qaado ah oo lagu dhuftay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Cambaareeyay weerarkii Al-shabaab xalay ku qaadeen Maqaayada Luul Yemeni ee ku taalla meel ku dhow Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay ka cunteynayeen dad shacab ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo loo adeegsaday Mooto nooca xamuulka qaado ah oo lagu dhuftay Albaabka hore ee Maqaayada, waxaana halkaas ku dhintay in ka badan 15 qof.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa waxaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii ku geeriyooday weerarka, iyagoona ku dhaawacmay oo haata lagu dabiibayo Xarumo Caafimaad u rajeeyay Caafimaad deg deg ah.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Al-shabaab oo warar ku faafiyay baraha Internet-ka ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoona sheegtay inay bartilmaameedsadeen Saraakiil ciidan oo isugu imaatin lahaa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts