HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Weerar ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Faah faahin kasoo baxeysa Weerar ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday tooreey ama Middi oo fiidnimadii hore ee xalay ka dhacay xaafaddo ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan oo burcad ah ayaa ka kala dhacay xaafadaha Horseedi, waabari iyo waxarcade ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday tooreey ama Middi oo fiidnimadii hore ee xalay ka dhacay xaafaddo ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Weerarka oo ay fuliyeen rag hubeysan oo burcad ah ayaa ka kala dhacay xaafadaha Horseedi, waabari iyo waxarcade ee Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac oo loo geystay dad shacab ah.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in saddex ruux oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarka ay qaadeen raggii hubeysnaa, iyadoona mid kamid ah dadkaas Caloosha looga dhuftay tooreey, lana la geeyay Xarun Caafimaad.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Galmudug ayaa xalay howlgal lagu baadi goobayay ragii burcada ahaa ee dhaca u geystay dadkii ay dhaawaceenka sameeyay xaafadaha uu weerarku dhacay.

Lama oga weli in howlgalka ay sameeyeen Ciidanka amniga Galmudug lagu soo qabtay dadkii ka dambeeyay falkii xalay ka dhacay xaafadaha Horseedi, Waabari iyo Waxarcade ee Magaalada Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Caasimadda Galmudug ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro loo adeegsaday tooreeyo oo shacab ah lagu weeraray oo qaarkood ay ka dhasheen khasaaro dhaawacyo ah oo dadkii ka dambeeyay falkaas qaar gacanta lagu dhigay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts