HomeWararPuntland oo ka hadashay dagaal khasaaro geystay oo ay la galeen Al-shabaab

Puntland oo ka hadashay dagaal khasaaro geystay oo ay la galeen Al-shabaab

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Maamulka Puntland ee PSF iyo Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay buuraleyda Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Taliska Ciidanka PSF ayaa sheegay in dagaalkaas dhacay uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen habeen hore Xabsiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Maamulka Puntland ee PSF iyo Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay buuraleyda Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliska Ciidanka PSF ayaa sheegay in dagaalkaas dhacay uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen habeen hore Xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso, ayna kala baxeen Maxaabiis badan oo ku xirnaa.

- Advertisement -

Qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka PSF ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in Ciidanka amniga Puntland ay gacanta kusoo dhigeen maxaabistii Al-shabaab iyo Daacish kala baxeen Xabisga Boosaaso, isla markaana dib loogu celiyay xabsiga.

Sidoo kale Saraakiisha PSF ayaa tilmaamay in dagaalkii ka dhacay shalay buuraleyda Gobolka Bari Al-shabaab looga dilay in ka badan 20 xubnood, halka 4 kalena laga qabtay, waa sida hadalka loo dhigay.

“Ciidanka PSF waxay u mahadcelinaya ciidamada Kale ee Puntland oo ka garab diriray intii ay soo afjaridu socotay. Shacabka waxaan ugu baqaynaa in Ciidanku diyaar u yahay naftooda in ay kor dhigaan kana badbaadiyaan cadowga Shacabka Soomaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska PSF.

- Advertisement -

Si kastaba Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday habeen hore Xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso eev Xarunta Gobolka Bari, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan, sidoo kalena ay halkaas kala baxeen maxaabiis farabadan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts