HomeWararTurkiga oo War kulul kasoo saaray weerarkii lagu le’day ee Muqdisho

Turkiga oo War kulul kasoo saaray weerarkii lagu le’day ee Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday Mooto oo fiidnimadii xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni oo ku taalla agagaarka Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin weerarkii lala beegsaday dadkii shacabka ahaa ee ku caweynayay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday Mooto oo fiidnimadii xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni oo ku taalla agagaarka Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin weerarkii lala beegsaday dadkii shacabka ahaa ee ku caweynayay Maqaayada Luul Yememi, ayna Cambaareynayaan falkaas foosha xun.

- Advertisement -

Turkiga ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska dadkii shacabka ahaa ee waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona dadka dhintay Alle uga baryay inuu u naxariisto, halka kuwo dhaawacmay ay u rajeeyeen Caafimaad.

Waxaa ay sheegtay dowladda Turkiga ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna garab taagan yihiin “waxaan sii wadeynaa dadaalada iyo  garab istaagga dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada”.

Inta la xaqiijiyay in ka badan 15 qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya ilaa iyo 30 qof oo qaarkood ay ku jiraan dad uu kusoo dumay Guryo, iyadoona weerarkaas Mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab oo tilmaamay  inay beegsadeen Saraakiil Ciidan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts