Degmadda Kakamega ee Galbeedka dalka Kenya ayaa waxaa xalay lagu qabtay 6 dhallinyarro Soomaali ah, kadib, markii ay dadka deegaanka u soo fara muuqeen Boliska halka ay ku sugnaaeen Soomaalidaas.
Taliyaha Boliska Galbeedka Kenya, Moses Ombato ayaa sheegay inay  gacanta ku dhigeen 6 qof oo Soomaali, isla markaana ay baarayaan sababaha ay u yimaadeen Kenya.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan raggaasi wadanin wax Dukumentiyo oo lagu aqoonsado.
Moses Ombato waxa kaloo uu sheegay inay heleen warbixino fududeeyey in la soo qabto dadkaasi, wuxuuna xusay inay Ciiddanka Kenya ku jiraan heegan buuxa si looga hortago waxa uu ugu yeeray Falalka Argagixiso.
Dhinaca kale, Hay’addaha Ammaanka ee dalalka Kenya iyo Uganda ayaa xoojiyey Hawlgalladda Ilaaladda, kadib, markii laga digay inay Alshabaab qorsheynayaan weeraro cusub oo ka dhaca dalalkaasi.
Ciiddan badan ayaana la dhigay Dhismooyinka iyo goobaha muhiimka, waxaana la baarayaa gaadiidka isaga kala gudba xuduudka Kenya iyo Uganda.
© Warqabadka Radio Dalsan