HomeWarar(FAALLO): Qabanqaabadda Doorashadda Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug oo laga dareemayo Cadaado.

(FAALLO): Qabanqaabadda Doorashadda Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug oo laga dareemayo Cadaado.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Shirweynihii Ergooyinka Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe muddada dhowrka bilood u fadhiyeen magaalladda Cadaado ayaa waxa uu haatan gaaray heerkii ugu dambeeyey, iyadoo la dhisay Xildhibaanadda Barlamaanka cusub ee Galmudug, lana doortay Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa. Musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimadda ayaa waxay haatan yihiin kuwo mashquulsan, iyadoo uu Musharax kasta doonayo inuu isku muujiyo […]

- Advertisement -

Shirweynihii Ergooyinka Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe muddada dhowrka bilood u fadhiyeen magaalladda Cadaado ayaa waxa uu haatan gaaray heerkii ugu dambeeyey, iyadoo la dhisay Xildhibaanadda Barlamaanka cusub ee Galmudug, lana doortay Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa.

Musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimadda ayaa waxay haatan yihiin kuwo mashquulsan, iyadoo uu Musharax kasta doonayo inuu isku muujiyo Bulshadda Goballadda Dhexe, si uu uga helo taageero.

- Advertisement -

Majlisyadda la isugu yimaado ee Cadaado ayaana laga dareemi karaa inay socdaan Ololihii ugu dambeeyey ee Musharixiinta Madaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Musharixiinta isugu jiraan kuwo boos-buuxiska iska ah, kuwa doonaya inay Taariikha u gasho inay ka mid ahaayeen  Musharixiintii isku soo taagay Madaxtinimadda Goballada Dhexe.

Waxaana naadir ku ah Musharixiinta dhiigga Waddanimo leh ee ay ka go’an tahay inay Isbedel cusub u keenaan dadka ku nool Goballadda Dhexe oo iyagu dib-u-dhac xooggan ka muuqdo Tadawarka Nololeed, Bulsho iyo Horumar.

- Advertisement -

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Dowladihii soo maray dalkeenna, gaar ahaan Dowladdii Kacaaanka aysan wax Mashaariic Horumarineed iyo kuwa Adeegyadda Bulshadda oo waa weyn ka hirgelinin inta badan Goballadda Dhexe, iyadoo kuwii yaraa ee laga hirgeliyeyna lagu bililiqeystay, laguna burburiyey sannadihii ay Kacdoonka iyo Colaadah Sokeeye ka socdeen dalkeenna.

Haddaba, Goballadda dhexe waxay haatan u baahan yihiin Maamul-gobaleed hoggaan fiican leh, isla markaana ku tallaabsan kara sidii ay Goballadda Dhexe ula jaan-qaadi lahaayeen Maamul-gobaleedyadda kale ee dalka.

Xaqiiq ahaan, Goballadda Dhexe waxay hodan ku yihiin Xoolaha iyo Kheyraadka Badda, waxaana hubanti ah haddii ay doortaan Madaxweyne karti leh inay hirgelin karaan Mashaariicda Wershaddo Fudud iyo in la dhiso, lana casriyeeyo Dekeddaha ku yaalla Gobalka Galgaduud iyo Mudug ee kaabiga ku haya Badweynta Hindiya.

Si kastaba ha ahaatee, su’aasha taagan ayaa ah Musharxee ku guuleysan doona Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka curdanka ee Galmudug.

Saadaasha hordhaca ee ay bixinayaan Aqoonyahannadda, Siyaasiyiinta iyo Ururradda Bulshadda ku nool Goballadda Dhexe ayaa waxay muujinaysaa in Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi ugu cadcad yahay Musharixiinta u taagan Xilkaasi.

Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi oo horey u soo noqday Taliyihii Hay’adda Nabadsugidda Qaranka iyo Danjiraha Somalia u joogay dalka Sudan ayaa ah Waddani Hawlkar ah oo Kalsooni buuxda ka haysta dadka ku nool Goballadda Dhexe, kuna han weyn yihiin inuu hayinka u qabto Madaxtinnimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug.

© Radio Dalsan

Latest stories