HomeMaqalDhageyso:-Gabar Ardayad aheyd oo lagu dilay Magalada Muqdisho

Dhageyso:-Gabar Ardayad aheyd oo lagu dilay Magalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Rag hubeysan oo watay Mooto ayaa duhurnimadii Maanta oo Axad ah waxa ay gabar Ardayad aheyd ku dileen Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir. Gabadhaan oo Magaceeda lagu sheegay Caa’isho Cali Saneey ayaa waxa ay xilligaas ka timid Iskuul ay dhiganeysay oo ku yaalla agagaarka Hotelka Ramadaan. Hooyada dhashay Gabadhaas oo lagu Magacaabo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Rag hubeysan oo watay Mooto ayaa duhurnimadii Maanta oo Axad ah waxa ay gabar Ardayad aheyd ku dileen Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir.

Gabadhaan oo Magaceeda lagu sheegay Caa’isho Cali Saneey ayaa waxa ay xilligaas ka timid Iskuul ay dhiganeysay oo ku yaalla agagaarka Hotelka Ramadaan.

- Advertisement -

Hooyada dhashay Gabadhaas oo lagu Magacaabo Fartuun Abuukar Suubiye ayaa sheegtay in Gabadheeda ay mudo jiidjiidayeen balse daqiiqado kadib muran soo kala dhex galay ay dhowr Xabadood oo bustoolad ah ku dhufteen.

Waxa ay sheegtay in Gabadheeda ay ku jirtay Da’da 14-ka,isla markaana aysan garaneyn, goob waxbarasho ka timid loo dilay.

Iyada oo sii hadleysay ayay sheegtay in markii lagu soo wargeliyey in Gabadheeda dhaawacantay la geeyey Isbitaalka digfeer ee Maglada Muqdisho balse ay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray.

- Advertisement -

Waa dhacdadii labaad oo mudo bil gudahood ah Magalada muqdisho lagu dilo Gabar ka mid ah Ardayda waxka barata Iskuulada ku yaalla Magalada Muqdisho,waxana dilka Maanta la sheegay inay ka dambeeyeen koox burcad ah oo dooneysay inay ka qaataan Mobile ay wadatay.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Hooyada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts