HomeWararSawirro:-Madaxda Hir-Shabeelle iyo Guddi ka socda Aqalka Sare oo Kulmay

Sawirro:-Madaxda Hir-Shabeelle iyo Guddi ka socda Aqalka Sare oo Kulmay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddiga loo xilsaaray xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowlada federaalka iyo madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa kulan wada qaatay. Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabelle halka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga loo xilsaaray xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowlada federaalka iyo madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa kulan wada qaatay.

Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabelle halka guddiga Aqalka Sare uu hogaaminayay Senatar Maxamed Xuseen Raagge,Senatar Mustafa Qodax,Naciimo Maxamed Yuusuf iyo qaar kale.

- Advertisement -

Kulanka intii uu socday ayaa labada dhinac waxa ay si weyn kaga hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka maamulka curdunka ee Hirshabeele, xildhibaanada ayaa sido kale warbixino ka dhageystay madaxada Hirshabeele.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u sheegay guddigan in dhowaan ay madaxda dowlada federalka ah ka heshiiyeen arrimo hoose oo u gaar ah dowlad goboledka Hirshabelle balse arrimaha masiiriga ah sida doorashooyinka iyo arrimaha dhamaystirka dastuurka ay kala mid yihiin maamul goboleedyada kale ee ka jira dalka.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u gudbiyay Guddiga Aqalka Sare caqabadaha maamulkiisa haysta ee dhinacyada amniga iyo mid bulshaba waxaana uu guddigu ay sheegeen dhamaan waxyaabihii ay kala kulmeen mas’uuliyiinta Hirshabeele in ay kula laaban doonaan Aqalka Sare.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts