HomeMaqalDhageyso:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka horyimid hadal kasoo yeeray Duqa Muqdisho

Dhageyso:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka horyimid hadal kasoo yeeray Duqa Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Kadib markii shalay Magaalada Muqdisho kulan uu ku dhexmaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka,kaasi oo looga hadlayay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligaan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii […]

- Advertisement -

Kadib markii shalay Magaalada Muqdisho kulan uu ku dhexmaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka,kaasi oo looga hadlayay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligaan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

- Advertisement -

Afhayeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo Maanta Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa marka ugu horeysa ka hadlay kulan dhexmaray Madax ugu sareeysa Hirshabeelle iyo guddiga Aqalka Sare ee kasoo tala bixinta khilaafaadka maamulkaasi.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in hadal kasoo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir uu dhaawacayo Dastuurka dowlada Goboleedka Hirshabeell,kaasi oo ah in Degmada balcad lagu daro Caasimada Muqdisho.

Afhayeenka Madaxtooyadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro ayaa sheegay in Hirshabelle ay dhibaato ku tahay in degmada balcad lagu daro Caasimadda muqdisho,isagoona tilmaamay in guddiga aqalka sare ee kasoo tala bixinta khilaafadka maamulkaasi ay u gudbiyeen arrinkaan.

- Advertisement -

Hoos Ka Dhageyso codka Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle.

Latest stories