HomeWararCiidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal...

Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan AS oo ku dhuumaaleysanayey deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan, oo bilowday waaberigii hore ee saakay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad AS ah oo isku uruursanayay halkaasi, sida ay saraakiisha ciidanku u xaqiijiyeen warbaahinta. Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan AS oo ku dhuumaaleysanayey deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan, oo bilowday waaberigii hore ee saakay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad AS ah oo isku uruursanayay halkaasi, sida ay saraakiisha ciidanku u xaqiijiyeen warbaahinta.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, isla markaana ay ku guuleysteen inay laayaan xubno badan oo ka tirsan AS. Inkasta oo tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan la shaacin, haddana ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in AS khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalka.

- Advertisement -

Dagaalka kadib, ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa bilaabay hawlgallo ballaaran oo ay ku baacsanayaan xubnaha firxadka ah ee ka badbaaday weerarka. Sida ay saraakiishu sheegeen, firxadka AS ayaa lagu raad-joogaa, waxaana ciidanku wadaan dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo in maleeshiyaadka baxsaday aanay mar kale dib isugu abaabulin deegaankaasi.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee lagu beegsanayo AS, kuwaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si joogto ah uga socday gobollada dhexe ee dalka, iyadoo ciidamada dowladda ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya duleedka deegaanka Ceelbarwaaqo ee Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in AS ay isku dayeen weerar ay ku qaadaan fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi. Balse, ciidamada geesiyaasha ah ee halkaas ku sugnaa ayaa si adag u difaacay fariisimahooda, iyagoo AS u dhigay cashar lama ilaawaan ah, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

- Advertisement -

Weerarka AS ayaa lagu jabiyay, waxaana ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen isku daygii maleeshiyaadka, taasoo muujineysa in ciidamada amnigu ay ka feejigan yihiin dhaqdhaqaaqyada AS.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dagaalku uu wali socdo, islamarkaana ciidamada ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts