HomeWararCiidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal...

Ciidamada Qaranka oo Weerar Culus Ku Qaaday Xubno Ka Tirsan AS, Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Sh. Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan AS oo ku dhuumaaleysanayey deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan, oo bilowday waaberigii hore ee saakay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad AS ah oo isku uruursanayay halkaasi, sida ay saraakiisha ciidanku u xaqiijiyeen warbaahinta. Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalku […]

- Advertisement -

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka Guullane ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan AS oo ku dhuumaaleysanayey deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan, oo bilowday waaberigii hore ee saakay, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad AS ah oo isku uruursanayay halkaasi, sida ay saraakiisha ciidanku u xaqiijiyeen warbaahinta.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalku uu socday muddo saacado ah, isla markaana ay ku guuleysteen inay laayaan xubno badan oo ka tirsan AS. Inkasta oo tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan la shaacin, haddana ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijinaya in AS khasaare culus lagu gaarsiiyay dagaalka.

- Advertisement -

Dagaalka kadib, ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa bilaabay hawlgallo ballaaran oo ay ku baacsanayaan xubnaha firxadka ah ee ka badbaaday weerarka. Sida ay saraakiishu sheegeen, firxadka AS ayaa lagu raad-joogaa, waxaana ciidanku wadaan dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo in maleeshiyaadka baxsaday aanay mar kale dib isugu abaabulin deegaankaasi.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee lagu beegsanayo AS, kuwaas oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si joogto ah uga socday gobollada dhexe ee dalka, iyadoo ciidamada dowladda ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya duleedka deegaanka Ceelbarwaaqo ee Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in AS ay isku dayeen weerar ay ku qaadaan fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi. Balse, ciidamada geesiyaasha ah ee halkaas ku sugnaa ayaa si adag u difaacay fariisimahooda, iyagoo AS u dhigay cashar lama ilaawaan ah, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

- Advertisement -

Weerarka AS ayaa lagu jabiyay, waxaana ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen isku daygii maleeshiyaadka, taasoo muujineysa in ciidamada amnigu ay ka feejigan yihiin dhaqdhaqaaqyada AS.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dagaalku uu wali socdo, islamarkaana ciidamada ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaasi.

Latest stories